Soomaaliya iyo IMF oo 'is-faham ka gaarey' qorshaha deyn cafinta

Image
is-afgaradkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka dowlada federaalka iyo maamuladda uu hooseeyo.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Mareykanka ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF, Kristalina Georgieva.

Sida ay warisay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa Georgieva la wadaagay "tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka".

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington "qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday".

Labada dhinac ayaa "isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna".

Georgieva ayaa, sidda ku xusan qoraalka Madaxtooyadda, waxay muujisay sida ay uga go'an tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay'adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada.

Is-fahamka IMF iyo Soomaaliya ee dardargelinta nidaamka dib-u-habeynta maaliyadda dalka ayaa kusoo beegmaya xilli cilaaqaadka dowladda federaalka iyo maamuladda uusan wanaagsaney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM