Soomaaliya iyo IMF oo 'is-faham ka gaarey' qorshaha deyn cafinta

Image
is-afgaradkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka dowlada federaalka iyo maamuladda uu hooseeyo.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Mareykanka ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF, Kristalina Georgieva.

Sida ay warisay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa Georgieva la wadaagay "tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka".

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington "qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday".

Labada dhinac ayaa "isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna".

Georgieva ayaa, sidda ku xusan qoraalka Madaxtooyadda, waxay muujisay sida ay uga go'an tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay'adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada.

Is-fahamka IMF iyo Soomaaliya ee dardargelinta nidaamka dib-u-habeynta maaliyadda dalka ayaa kusoo beegmaya xilli cilaaqaadka dowladda federaalka iyo maamuladda uusan wanaagsaney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM