Soomaaliya iyo Itoobiya kawada hadlay isbedelada Geeska Afrika
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood ah Demeke Mekonnen Hassen, sida uu shaaca ka dhigay xafiiskiisa.
Cabdisaciid Muuse Cali iyo Hassen oo ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa.
Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda.
Sidoo kale, amniga, diblomaasiyadda iyo la dagaallanka argagixisada ayaa kamid ah qodobada ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.
Cali ayaa uga mahadceliyey Hassen iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay "in Cali uu hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya".
Maamulka Farmaajo ayaa shanta sano ee xafiiska uu joogay wuxuu xiriir xooggan la yeeshay Itoobiya oo intii ololaha madaxtinimada uu ku jiray ku sifeeyay "cadow soo jireen ah oo Soomaaliya leedahay".
GAROWE ONLINE