Soomaaliya iyo Itoobiya kawada hadlay isbedelada Geeska Afrika

Image
Image
Image
Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood ah Demeke Mekonnen Hassen, sida uu shaaca ka dhigay xafiiskiisa.

Cabdisaciid Muuse Cali iyo Hassen oo ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa.

Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, amniga, diblomaasiyadda iyo la dagaallanka argagixisada ayaa kamid ah qodobada ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Cali ayaa uga mahadceliyey Hassen iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay "in Cali uu hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya".

Maamulka Farmaajo ayaa shanta sano ee xafiiska uu joogay wuxuu xiriir xooggan la yeeshay Itoobiya oo intii ololaha madaxtinimada uu ku jiray ku sifeeyay "cadow soo jireen ah oo Soomaaliya leedahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM