Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo yeeshay si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah

Image

Addis Ababa — Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wadahadallo muhiim ah oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kadib muddo ku dhow hal sano oo xiisad siyaasadeed ay u dhaxaysay.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar, halka dhinaca Itoobiya uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Wadahadalladan ayaa ka dhacay hareeraha Madasha Heerka Sare ee Ammaanka Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa), waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska ah iyadoo la adeegsanayo wadahadal joogto ah iyo iskaashi ku dhisan nabad, xasillooni iyo amni guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan:

In ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada,
In ay xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka,
Iyo in la taageero howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM (African Union Support and Stabilization Mission in Somalia).

Wadahadalladan ayaa imaanaya toddobaadyo yar kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn u xumaaday horraantii sanadkii 2024, kadib markii Itoobiya ay saxiixday Heshiis badeed (MoU) oo muran badan dhaliyay oo ay la gashay maamulka iskiis isu sheegay ee Somaliland 1-dii Janaayo 2024.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya siinayay marin badeed oo u gudba Badda Cas, taasoo keentay in Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Itoobiya bishii Janaayo ee isla sanadkaas.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan 2025, labada dowladood ayaa dib u bilaabay wadahadallo iyo qorshayaal lagu soo celinayo wakiilladooda diblomaasiyadeed, taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo kalsooni cusub iyo iskaashi gobolka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaaradda Somali Airlines oo dib u howlgelin doonta dhamaadka sanadkan 33 sano kadib

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 07:21AM

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay [Fahfaahin]

Wararka deegaanka ayaa tilmaamaya in beelaha dagaallamaya ay yihiin Geeledle iyo Dabarre, oo labaduba ku nool gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor.

  • Soomaliya

    26-10-2025

  • 12:45PM