Soomaaliya iyo Jabuuti oo balaarinaya iskaashiga ammaanka

Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaareyaasha labada dal oo kulmay ayaa isla soo qaadey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

DJIBOUTI, Jabuuti - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Xamse oo uga mahad celiyay Ra'iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.

Si gaar ah, wuxuu xusay "dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee aan waxba u reebban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan".

Cabdulqaadir Kaamil ayaa wuxuu tibaaxay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa "si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Dhanka kale, Xamse ayaa waydiistey Jabuuti in ay kordhiso taakuladda ay siineyso Soomaaliya gaar ahaan dagaalka haatan ka soconaya qaybo kamid ah dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wax ka qabashada isbadalka cimiladda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Muxuu Xasan Sheekh xilka uga qaadey la-taliyihiisa?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay Qoone, isagoo u rajeeyay guul mustaqbalka.

  • Soomaliya

    16-03-2025

  • 08:39PM

Madaxweyne Deni oo qaabiley Ergayga QM James Swan

Puntland ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal ah, oo dhulkeeda uga sifeynayso kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    16-03-2025

  • 06:13PM