Soomaaliya iyo Jabuuti oo balaarinaya iskaashiga ammaanka

Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaareyaasha labada dal oo kulmay ayaa isla soo qaadey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

DJIBOUTI, Jabuuti - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Xamse oo uga mahad celiyay Ra'iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.

Si gaar ah, wuxuu xusay "dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee aan waxba u reebban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan".

Cabdulqaadir Kaamil ayaa wuxuu tibaaxay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa "si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Dhanka kale, Xamse ayaa waydiistey Jabuuti in ay kordhiso taakuladda ay siineyso Soomaaliya gaar ahaan dagaalka haatan ka soconaya qaybo kamid ah dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wax ka qabashada isbadalka cimiladda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Shuruud Ku Xirtay Marin-badeedka Itoobiya

Masar waxay muddooyinkan xoogga saareysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay deriska…

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:51PM

Maxaa looga hadlay Shirka Kismaayo ee Madaxweyne Axmed Madoobe gudoomiyay?

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland.

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:13PM