Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray gurmadka abaaraha

Image
Image
Image
La dagaalanka Al-Shabaab iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayaa kamid ahaa qodobada lawada hadlay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Victoria Nuland ayaa ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka.

Nuland ayaa inta kulanka uu socdey waxaya muujisay sida ay uga go'an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM