Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka shiray masiirka AMISOM

Image
Shirka waxa uu daba socday dib-u-habeynta iyo qaabka looga guurayo Howlgalka AMISOM.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliy & Guddiyo ka socday Golaha Amniga iyo nabadda Midowga Afrika (AU PSC) oo ku shiray Adis Ababa ayaa ka wada haday xaaladda kala guurka ee howlgalka AMISOM iyo sidii ciidanka qaranka ay ula wareegi lahaayeen masuuliyada amniga sanadka 2022..

Shirka waxa uu daba socday dib-u-habeynta iyo qaabka looga guurayo Howlgalka AMISOM oo soo billawday 2007dii, si loo xoojiyo qorshaha Ciidamada Soomaalida lagu garab istaagayo si ula wareegaan mas’uuliyadda Amni ee wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Guddiga Farsamo ee XFS u xilsaartay arrintaan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samater ayaa kala hadlay xubnaha ka socday Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika sida ugu macquulsan ee AMISOM ay dalka ugu bixi karto kuna wareeji karto masuuliyada amaanka dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda difaaca xukumadda xilgaarsiinta ah ayaa lagu sheegay in is afgarad uu kusoo dhammaaday kulanka ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya si la mid ah xarunta Midowga Afrika.

29-kii December 2021, Muqdisho waxaa lagus oo gabagabeeyay shir gaar ah oo u dhaxeeyay XFS & Wakiilo ka socda Midowga Afrika, kulankaas waxa ay ku odoraseen mustaqbalka Ciidanka AMISOM iyo qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2614.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 21kii December 2021 ansixiyay qaraar ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya AMISOM ay muddo saddex bil ah dalka ku sii joogayaan kaas oo ka dhigan ilaa 31-ka Maarso 2022-ka.

Dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelinta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, waxaana dhawaan la hirgaliyay guddi ka kooban dowladda Federalka iyo maamul gobolyeeyada, kaas oo qiimeyn ku sameynaya qorshahan.

AMISOM waxaa looga fadhiyaa in ay yareyso khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda si loo xasiliyo Soomaaliya, waxaana wadanka ku sugan ciidamo milatari ah oo kala socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia,  Kenya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM