Soomaaliya iyo Norway oo ka arrinsadey xaalada Geeska Afrika

Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ayaa yeeshay wadaxaajood dhanka telefoonka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa, Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Cabdisaciid Muuse Cali ayaa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuu Huitfeldt "kala hadlay adkeynta xiriirka laba geesoodka ah ee labadda dal".

Sida laga soo xigtey bayaanka, wadaxaajoodka waxaa qeyb ka ahaa "horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal".

"Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

"Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaankan lagu faafiyey ciwaanka wasaarada ee Facebook-ga.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhexda uga jirto doorashooyinka heer federaal kuwaasoo ugu yaraan hal sano dib uga dhacay waqtiga saxda ah ee dastuurka ku cad.

Norway ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu waaweyn ee arrimaha Soomaaliya kuwaasoo dhowr jeer adkeeyay dardargelinta doorashooyinka iyo adkeynta ka hortagga fal kasta oo horseedi kara in lagu murmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM