Soomaaliya iyo Rwanda oo heshiis kala saxiixday

Image
Heshiiskaan ka dambeeyay ka dib wada hadalo dhowr wareeg ah oo ay yeesheen labada Wasiir

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dhiggiisa dalka Rwanda Vincent Biruta.

Is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Rwanda ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya heshiiskaan ayaa dhinac socday shirweynaha Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

“Saxiixa Heshiiskan is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Heshiiskaan ka dambeeyay ka dib wada hadalo dhowr wareeg ah oo ay yeesheen labada Wasiir uguna wada hadaleen xirriirka labada dale e dhaca qaarada Afrika.

Rwanda ayaa ka mid ah dowladaha ugu muhiimsan Afrika ee looga dayan karo dib u dhiska dal burburay ama dirir sokeeye ay ka socoto, maadaama dalkaas uu hadda si buuxda uga soo kabtay qaran-jab xoog leh oo ku dhacay, kadib markii ay is laayeen qoymiyadaha Rwandeyska ah ee ku wada nool dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM