Soomaaliya iyo Rwanda oo kawada hadlay iskaashiga dhowr arrimood

Image
Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey talaabooyin ay qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM