Soomaaliya iyo Talyaaniga oo dib-u-eegay xiriirkooda

Image
Image
Image
Image
Muqdisho iyo Roma ayaa leh cilaaqaad taariikhi ah si gaar ah dhinacyadda bulshadda iyo isu-socodka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay wasaaradda laguna faafiyey ciwaanadeeda baraha bulshadda, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga labada dal.

Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay salaan iyo hambalyo ku aaddan xilkan cusub ee loo magacaabay, taas oo uu uga siday Dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga.

Dhankiisa, wasiir Cali ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda, wuxuu xusay saaxiibtinnimada dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dowladda Talyaaniga.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagaga wada hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhanka Waxbarashada.

"Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii ay dowladda Talyaanigu gacan uga gaysan lahayd tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay fursad uga heli lahaayeen deeqaha Waxbarasho ee dowladda Talyaaniga," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM