Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga sirdoonka maaliyada

Image
Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.

Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).

Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen safiirka soomaaliya u fadhiya turkiga Ambassador Fadxudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Max’ed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM