Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray heshiis dhacay 2016-kii

Image
Heshiiskan ayaa waxa uu ka kooban yahay dhinacyada iskaashiga ee qaybaha kala duwan ee hay'adaha dowliga ah.

KAMPALA, Uganda – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda Vincent Bagiire oo wada hadal la yeeshay Amb. Xirsi Hagi Olosow, agaasimaha Guud ee Habmaamuuska ahna ku simaha Xoghayaha Joogtada ah, wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Muqdisho iyo Kampala.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay booqasho shaqo oo Vincent Bagiire ku jooga magaalada Muqdisho isaga oo xusay in Uganda ay qiimeynayso xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

"Waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in si niyad ah oo Pan Africanism iyo walaaltinimo ku jirto uu u sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda," ayuu sheegay sarkaal ka socday wasaaradda arrimaha dibada Uganda.

"Labada Xoghaye ee Joogtada ah waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal oo ay ka mid tahay heshiiskii qaab-dhismeedka ahaa ee ay Uganda iyo Soomaaliya kala saxiixdeen 2016,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Uganda ee Muqdisho.

Heshiisku waxa uu ka kooban yahay dhinacyada iskaashiga qaybaha kala duwan iyo Wasaaradaha, Waaxyaha iyo Hay’adaha (MDAs) ee labada waddan; oo ka kooban wadatashiyo siyaasadeed (arrimaha dibadda), difaaca iyo amniga, booliska, gaadiidka cirka, ganacsiga iyo maalgashiga, caafimaadka, beeraha iyo xoolaha, qaxootiga, adeegga maaliyadda, dalxiiska iyo dhaqanka, iyo qaar kale oo badan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Amb. Maj. Gen. (rtd) Nathan K. Mugisha. Ku-xigeenka Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo Mudane Cali Cabdiwali Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.

Uganda, ayaa ah dalka ciidanka ugu badan ugu deeqay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waxaana ku wehliya dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya halka ciidanka booliska ahna ay ka kala socdaan dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM