Soomaaliya iyo UK oo ka shiray "ixtiraamka madax-baannaanida"

Image
Tani ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Ingiriiska uu ka doodayo qadiyadda Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda Soomaaliya, labada mas'uul ayaa "ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal".

Cali iyo Ford ayaa si lamid ah diiradda saarey kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Bayaanka wasaaradda ayaa la raaciyey: "Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali [wuxuu] uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya".

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo aadaya xilli baarlamaanka Ingiriiska uu ka doodayo qadiyadda gooni-isu-taaga maamulka Somaliland kadib soojeedin ka timid Xildhibaan Gavin Williamson oo dhowaan booqdey magaaladda Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM