Soomaaliya iyo UK oo kawada hadlay latacaalida abaaraha

Image
Imaaraadka ayaa soo gaarsiisay Muqdisho 7, Janaayo, 2022 gurmard loogu talogalay dadka ku waxyeeloobay Abaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha xukumada xilgaarta ah ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hor tagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadnimada Nick Dyer iyada aad looga dayrinaya macluusha ka dhalatay abaaraha ku dhuftay gobolka geeska Afrika.

Rooble iyo xubnaha ka socday UK ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer, asiga oo kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.”

Xukuumadda ayaa wadday dadaalo gurmad loogu baadi goobaya dadka ay abaaruhu saameeyeen, asiga oo Caalamka ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadkaas, Xukuumadda ayaa kol hore waxa ay soo saartay in gunnada Golaha Wasiirada ay boqolkiiba 20% ay ugu deeqeen dadka u baahan gurmadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa soo gaarsiisay Muqdisho 7 Janaayo 2022 gurmard loogu talogalay Dadka ku waxyeeloobay Abaaraha.

Ra’iisul Wasaarae Maxamed Xuseen Rooble iyo Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hor tagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadnimada Nick Dyer waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dowladda UK Kate Foster iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM