Soomaaliya iyo UN-ka oo ka shiray qorshaha kala-guurka qaran

Image
Image
Image
Darafyada ayaa isla soo qaadey sidii ciidanka xoogga dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Siciid Samatar ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya.

Dhinacyadda ayaa waxay kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa waxay sheegtay in darafyadda ay hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntii, wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

"Wuxuu uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay lagarab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM