Soomaaliya iyo UN-ka oo xal waara u goobaya barakacyaasha

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Piper oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha.

Xamse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isagoo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka barakacay.

Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xukuumadda dadaallada lagu caawinayo barakacayaasha, isagoo xusay in Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay qaadayso tallaabooyin ay wax ugu qabanayso dadka barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go'doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaarsiin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM