Soomaaliya: Leexsashada gargaarka bini'aadannimo oo shir laga yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Qaramada Midoobay, oo uu horkacayay madaxa WFP Soomaaliya El-Khidir Daloum.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sidii loo xaqiijin lahaa in lala dagaalamo leexsashada gargaarka bini'aadannimo iyo in la hubiyo in gargaarku si hufan u gaaro dadkii mudnaa ee loogu talagalay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa SoDMA, dadaalka aan hagarta lahayn ee ay dalka ka waddo iyo guulihii taariikhiga ahaa ee labada dhinac wada gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM