Soomaaliya: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beddelay Lataliyaha Amniga Qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Toddobaadyo kadib markii Garowe Online ay shaaciyay wararka sheegaya inuu iscasilaad ku dhow yahay Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan Xuseen Sheekh Cali, ayaa xaqiiqadu timid kadib markii laga saaray kooxda talo-bixinta madaxtooyada.

Mudo maalmo ah ayaa la isku hayay inuu ka baxayo maamulka Xasan Sheekh, iyadoo ay taasi imaneyso xilli dalka uu wajahayo khataro ka imaanaya kooxaha Al-Shabaab oo maalmahan dambe ka sameeyay guulo dhanka dagaalka ah meelo badan oo dalka ka mid ah.

Maanta, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay in Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah noqonayo la-taliyaha cusub. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Xuseen Sheekh Cali hawshii uu dalka u soo qabtay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed Lataliyaha Cusub ee Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Lataliyihii Hore, Mudane Xuseen Macalin Maxamuud, adeegii uu u qabtay dalka,” ayaalagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Xuseen Sheekh Cali ayaa boggiisa X (hore Twitter) ku sheegay inuu yahay "Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka," taasoo cadeyn u ah inuu ka baxay kooxda talo-bixinta madaxtooyada, taasi oo ku soo beegmeysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasad oo culus.

Isbedelkan ayaa yimid xilli dalka uu wajahayo weeraro kordhay oo ay wadaan Al-Shabaab, kuwaasoo sababay in ay gacanta ku dhigaan meelo istiraatiiji ah sida Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Gobolka Gedo, dowladda federaalka ayaa sidoo kale ku jirta dagaal xooggan oo ay la galeyso ciidamada Jubaland, kuwaasoo oo gacanta ku haya inta badan gobolkaas. Dowladda Puntland ayaa digniin ka bixisay in colaadahani ay horseedi doonaan in gobolka uu xasillooni darro ka dillaacdo.

Hassan Sheekh Maxamuud waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wax ka bedelay dastuurka dalka iyada oo aan la tashiyo habboon la samayn saamileyda siyaasadda, taasoo keentay khilaaf xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM