Soomaaliya: Magacyadda mas'uuliyiin "baxsad ka ah cadaaladda"

Image
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo bandhigay liiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa soo bandhigay Liiska 18 Masuuliyiin ah oo isugu jira qaar xiran iyo kuwa baxsad ka ah cadaaladda.

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa magacyadooda waxay kala yihiin;

Jooge/xiran

1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020
2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 - 2020
3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta
4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta
5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta
6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta
7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga
8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta
9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

Maqane/baxsad

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim
4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey)
5- Maxamed Idiris Axmed
6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
7- Cabdiqaadir Cilmi Cali
8- C/raxmaan Maxamed Cali
9- Abubakar Xasan Aadan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM