Soomaaliya: Maxay ka dhigantahay la-wareegista Ceelbuur iyo Galhareeri?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tallaabada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowladda Galmudug ayaa qeyb muhiim ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Iyadoo ujeedku dowladda uu cad cadyahay in la xureeyo deeganada Ceelbuur iyo Galhareeri, imaatinka madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug waxay cadeyn u tahay sida ay uga go’an yahay inay Galmudug nabad gaarto laguna soo celiyo nidaaamka dowladnimada.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah gacanta ku haysay degmooyin kala duwan oo dalka ka tirsan, iyadoo dadkii ku noolaa ay ku hoos xayiran yihiin xukunkooda ku salysan cabburin iyo cadaalad darro. Awood la'aanta dowladda tan iyo burburkii dowladnimo ayaa u sahashay kooxdan xagjirka ah in ay sii koraan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaaladda dagaalka waxaa ku yimid isbedel, kaas oo ka bilawday ka qeybgalka dadka deegaanka ee dagaalaka iyaga oo garab siinaya ciidamada dowladda.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo noocaas ah ayaa haatan ka socda Ceelbuur iyaga oo dhaliyaro ka soo jeeda deegaanadaas ay doonayaan inay ka xorayaan kooxaha nabaddiidka ah. ciidamdaan ayaa noqon doona tiirka ugu weyn ee lagu xoraynayo Ceelbuur iyo Galhareeri iyaga oo garab socda xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta ku matala dowladda Soomaaliya.

Arrintaas ayaa muujineysaa sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay in ay dib u soo ceshadaan dhulkooda oo ay haatan gacanta ku hayaan Al-Shabaab, iyaga oo soo bandhigaya ruuxa aan la dhayalsan karin ee diidan in uu u hoggaansamo fikradaha xagjirnimada ah.

Diyaargarowga ay ugu jiraan dagaalka Ceelbuur waxa uu ka dhigan yahay in ay hal meel uga soo wada jeedaan cadawga, iyaga oo hadafkoodu yahay in ay nabad iyo xasillooni ku soo celiyaan bulshadooda.

Go’aanka Madaxweynaha uu ku sii joogayo Galmudug ilaa laga xoreynayo deeganda ka harsan Galmudug ayaa sidoo kale kor u qaadaya rajadda ciidamadaan, siina xoojineyo caqiidada ay dalkoodii ku difaacayaan.

In Ceelbuur iyo Galhareeri ay xuriyad qaataan waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay qiimo aad u weyn. Magaalooyinkan ayaa waxaa muddo dheer maamulayay Al-Shabaab, iyago oo dhibaataynayay bulshada ku dhaqan.

Guusha lagu xureynaayo magaalooyinkaas ma wiiqi doonto oo kaliya awoodda Al-Shabaab balse waxay sidoo kale rajo gelineysaa shacabka ku hoos dulman xukunka kooxdan. Waxay muujineysaa in dowladdu ay awood u leedahay inay dib u soo ceshato dhulalka ka maqan ayna abuurto dareen amni, lagu kobcinayo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo booqanaya Masar kadib heshiis Abiy Axmed oo ka nixiyay Al-Siisi 

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda isbeddelaysa ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 12:39PM

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya oo Khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheekh iyo Xamse

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sidoo kale wuxuu doonayaa in Safiirka Soomaaliya ee Kenya dalka inuu yimaado loogu yeero.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 11:32AM