Rooboow: Shati ayaan u jaraynaa dugsiyada iyo masaajidada 

Image
Mar uu ka hadlayay Macawiisleyda ayuu la barbardhigay kooxihii wax-iska-caabbinta Ciraaq ee dalkaasi ka saaray kooxdii Daacish.

MUQDISHO, (GO)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Rooboow ayaa bixiyay wareysi dhif ah tan iyo intii uu ku biirey Golaha Wasiiradda, wuxuuna ka hadlay hawlgalka Alshabaab ka dhanka ah. , wuxuu sheegay in dagaalka dhanka fikirka ugu weynyahay, iyada oo wixii hadda ka dambeeya shati looga baahanyahay ciddii faafinaysa diinta Islaamka. 

Wareysi uu siiyay wargeyska Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa, kaas oo weriyeyaal ka tirsan ay todobaadyadani u casuunaayeen dowladda Xasan Sheekh, ayaa sheegay in qasaarihii ugu badnaa uu isaga qoyskiisa kasoo gaaray dagaalka , wuxuuna sheegay in lagu dilay wiilkiisa, laguna goowracay seedigiis oo ay walaashiis u ilmo dhashay, dadkaasi Ay u dhinteen Isaga dartiis. 

Mar uu ka hadlayay ciidamada Macawuusleyda ayuu la barbardhigay kooxihii wax-iska-caabbinta Ciraaq ee dalkaasi ka saaray kooxdii Daacish. 

Rooboow ayaa sheegay in dowladda soo rogeyso in shati loo jaro cid kasta oo faafinaysa diinta, sida imaamyada masaajidada iyo macalimiinta dugsiyada Qur’aanka. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay isla wargayskan ayaa sheegay in sababta Rooboow wasiirka looga dhigay tahay in madaxda Alshabaab Ay fahmaan in aanan la bahdili doonin haddii ay isa soo dhiibaan, iyada oo uu Rooboow xiriir la bilaabay hoggaamiyeyaasha Alshabaab sida uu madaxweynaha sheegay. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM