Soomaaliya oo baaq kasoo saartey "musiibada" Turkiga iyo Suuriya

Image
Boqolaal ruux ayaa geeriyoodey kadib markii labadan dal ay ka dhaceen dhul-gariir aad u xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay wadamadda mdinimada u muujiyey dalalka Turkiga iyo Suuriya kadib dhul-gariirka boqolaalka qof ku laayey labada waddan ee dariska ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in Mudisho ay murugada la qeybsaneyso dowladahan iyo shacabkooda.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga tacsiyeyneysaa Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga khasaarihii iyo waxyeeladii ka dhashey dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa Dowladda iyo shacabka Turkiga oo dhulgariirkaasi ay kaga dhinteen boqolaal qof, dhaawacyo badan iyo khasaare hantiyeed intaba.

Dowladda Soomaaliya waxay Ilaahay uga baryeysaa dadkii halkaasi ku dhintey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacanteyna Ilaahay u booga dhayo.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqeysaa Dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale inay garab istaagaan shacabka iyo Dowladda Turkiga inta lagu guda jiro waqtigan adag ee gurmadka masiibada dhacdey.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka tacsiyeyneysaa shacabka reer Syria ee iyaguna ku waxyeeloobay dhulgariirkan xooggan ee ka dhacay xadka labada dal ee Turkiga iyo Syria.


Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay Koonfur Bari Turkiga iyo Waqooyi Galbeed ee Suuriya Isniinta maanta ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,797 qof, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 2,818 dhismo ayaa ku dumay dhul-gariirka Turkiga. Gudaha Suuriya, in ka badan 783 qof ayaa ku dhintay in ka badan 2,000 oo kalena way ku dhaawacmeen. Ilaa 2,470 qof kale waa la soo badbaadiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM