Soomaaliya oo beenisay aragti laga faafiyey "kacdoonka shacabka"

Image
Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku doodaya in maamulka Xasan Sheekh uu ku biiray dagaalka ka dib abaabulo dadka degaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo guulo laga gaaray dagaalka furimaha, haddana khubarada dhanka ammaanka qaarkood ayaa is weydiinaya in dowladdu ay leedahay “Istaraatijiyad cad” oo ay kaga adkaaneyso Al-Shabaab.

Maleyshiyaadka ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa todobaadkan gudaha u galay Hotel caan ah oo ku dhagan Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku dileen 9 ruux.

Bishii Oktoobar, maleyshiyadda ayaa laba qarax gaari oo waaweyn ku beegsatay isgoys mashquul badan oo ay ku dhinteen 121 qof in ka badan 330 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku doodaya in maamulka Xasan Sheekh uu ku biiray dagaalka ka dib abaabulo dadka degaanka oo laga sameeyay gobolka Hiiraan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, magaalada Wabxo ee maamulka Galmudug, ayaa waxay Ciidamadu baneeyeen, ka dib markii ay muddo kooban qabsadeen. HirShabelle iyo Galmudug waa meelaha si iskood ah kacdoonka uga bilowday.

"Haddii aad bilaabayso dagaal, waxay u baahan tahay istiraatijiyad cad, taas oo leh bar bilow iyo dhamaad," ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taliyihii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir.

Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas raaciyey: "Waxay u badan tahay in dowladda ku qasbanaatay in ay ku biirto dagaalka kadib abaabulka shacabka. Meelaha la geeyay waa in loo helo boolis iyo sirdoon".

Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa diiday fikradda ay dowladdu dagaalka Al-Shabaab ee ka soconaya qaybo kamid ah waddanka ay ku wajahday qorshe la'aan.

“Waa qorshe dowladeed oo bilaawday, mana jiro dagaal aysan dowladdu qorsheynin ama aysan hoggaamin,” ayuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da. "Ma jiraan wax kadis ah oo ku saabsan".

Saraakiisha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada hadda socda ay sare u qaadi doonaan marka ay dalka dib ugu soo laabtaan 5,000 oo askari oo kale oo lagu soo tababaray Eritrea, inkastoo aan weli waqti go'an loo qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM