Soomaaliya oo codsi u dirtay Shirkadda Shiinaha ee Huawei

Image
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ee Beijing.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta shirkadda sidii ay qayb uga noqon Maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa madaxda Shirkadda la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Tignoolajiyadda.

Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM