Soomaaliya oo doonaysa in toos loo siiyo kaalmada Switzerland

Image
Talaabadan ayaa loo arkaa mid ka qeyb qaadan karta dardargelinta gurmadka abaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Ergeyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Switzerland ayuu kala hadlay in si toos ah kaalmada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-falka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Switzerland ayuu uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mudnaanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaashiga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Inta uu ku sugan yahay dalkaan ayuu si lamid ah la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM