Soomaaliya oo garab-istaag u muujisay Afghanistan

Image
Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Islamabad ee dalka Baakistaan kaga qayb galay shir caalami ah.

Kulankaas ayaa wuxuu yahay Meertada 17-aad ee Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Cali uu Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

Taliban ayaa muddo sanado badan ah kadib waxay kusoo laabatay hogaaminta dalka Afghanistan kadib markii ay meesha ka baxdey dowladdii ay beesha caalamka ku taageereysay balaayiinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM