Soomaaliya oo goobaysa taageerada diblumaasiyada Mareykanka

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa codsi u gudbiyey Safiirka Ameerka ee Qaramada Midoobey, Linda Greenfield.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Linda Greenfield.

Danjire Linda ayuu la wadaagay warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya ay ku yeelatay howlgalada socda.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda, Xasan ayaa sheegay "in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan".

Doorka geesinimada leh iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ay u muujiyeen bulshada deegaannada la xoreeyey ayaa dul istaagay wuxuuna xusay in xaaladda nololeed ee adag ee ka jirta degmooyinka iyo deegaannada laga saaray argagixisada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in uu maleyshiyaadka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay burburisay kaabeyaasha nolosha iyo adeegyadii dadweynaha ee ka jiray deegaannadaas.

"Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta Alshabaab," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Mareykanka ayaa kamid ahaa wadamada ka tirsan Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee taageeray in Soomaaliya aan laga qaadin xayiraada hubka bishii lasoo dhaafay kadib soojeedin ka timid boqortooyadda UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM