Soomaaliya oo guul ka sheegtay guluf lagu beegsaday Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 200 KM u jira magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen 44 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa xusay in Ciidamada Nabad Suggida oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ay dileen 44 ka tirsan Al Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 200 KM u jira magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, una dhow degmada Kurtowaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa tibaaxay in kooxahaasi ay dib isu abaabulayeen xiligaasi. Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli todobaad ka hor ay ciidamada dowladda Soomaaliya sheegeen in ay ku dileen 67 maleeshiyo ah bartamaha gobolka Mudug.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday ololahan bishii July ee la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda ayaa bishii April sheegtay in ka badan 3,000 oo ka tirsan Al-Shabaab la dilay tan iyo markii uu billowday ololaha milateri.

Hawlgalkan ayaa waxaa gacan ka geystay ciidamo ka kala socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya tan iyo markii ay dalalkaasi ku heshiiyeen bishii Janaayo in si wadajir ah loo qaado howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM