Soomaaliya oo heshay hub ay ku jirto diyaarad helicopter ah

Image
Saanadan ayaa isugu jirta qaar ay soo iibsatay xukuumada Muqdisho iyo qaar ay ka heshay dalal shisheeye.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milateriga Soomaaliya ayaa helay hub cusub oo lagu caawinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda uu sheegay la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha.

Xuseen Sheekh Cali ayaa VOA-da u sheegay in dowladda ay iibsatay qeyb ka mid ah hubka, halka qaar kalena ay ku deeqeen hay’ado la shaqeeya oo uusan magacaabi.

Hubka ayaa, sidda laga soo xigtey Xuseen oo fahfaahin kooban bixiyey, waxa ay isugu jiraan madaafiic 120 mm ah, qoryaha lidka diyaaradaha ee Zu-23 iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xuseen ayaa caddeeyay in diyaaradaha qumaatiga u kaca loo adeegsadan doono daad-gureynta dhaawacyada, balse ay sidoo kale ka qeyb qaadan karaan dagaalka.

Tobannaan sano, Soomaaliya waxa ay saarneyd cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay, taas oo xaddiday awoodda dowladda in ay iibsato ama hesho hub culus.

Xuseen Sheekh Macalin oo aan kala caddeyn tiradda diyaaradda qumaatiga u kaca ee dowladda heshay ayaa tibaaxay in hubkan cusub uu wax badan ka bedeli doono dhanka dhulka.

Bisha December ayuu daboolka ka qaadey inuu magaalada New York ka dhici doono shir deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo dhaqaale loogu uruurinayo laamaha ammaanka Soomaaliya.

Lix wadan oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar, iyo sidoo kale Midowga Yurub ayuu ka shan-qariyey in ay wada-shaqeyn doonaan kulankaas.

Hadalka lataliyaha ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli lagu waddo in uu bilowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo laga daah-furi doono gobolada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM