Soomaaliya oo Imaaraadka ku wareejisay lacagtii ka xayirneyd

Image
Lacagtan oo wadarteeda lagu sheegay 9.6 milyon doolar ayaa taalay Bangiga Dhexe ee Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018-kii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho iyo wasiirka amniga gudaha ay lacagtan si wadajir ah uga soo qaadeen Bangiga Dhexe ee Muqdisho.

Dhanka kale, Rooble ayaa maanta oo Khamiis ah u duulay Imaaraadka Carabta si uu uga qayb galo aaska Marxuum madaxwayne Sheikh Khalifa oo dhawaan u geeriyooday xanuun.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu yiri: "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid [ayuu] u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud'.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa dhawaan soo celiyay xiriirkii walaaltinimo ee Muqdisho iyo AbuDhabi kadib sanado uu xummaa taasoo ka dhalatay siyaasada qaloocan ee maamulkii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM