Soomaaliya oo Imaaraadka waydiisatay taageero dhanka u adkaysiga aafooyinka

Image
Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa loo gudbiyay codsigan kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Imaaraadka SoDMA uga taageeri lahaa mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, ka soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee El-nino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

Waxyaabaha kale ee kulankaan lagu faaqiday waxaa kamid ah qorshaha soo socda ee dhawaan Dowladda Imaaraadka ku saacideeyso hay’adda SoDMA , u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM