Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shir caalami oo ka furmay Paris [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

PARIS - Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ka qaybgalay shirka 86aad ee golaha guud ee Hay'adda caafimaadka xoolaha adduunka ee OIE .

Shirkan oo shalay [21-ka May] ka furmay magaalada Paris, ee caasimadda dalka Faransiiska, ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah khubaro ka tirsan wasaaradda xanaanada oo iyaga qayb ka ahaa shirar Farsamo oo gaar gaar ah.

Wasiirka ayaa shirka Golaha Guud la wadaagay xaaladda xoolaha Dalka dhanka cafimaadka, Ganacsiga iyo kordhinta tirada xoolaha, iyadoo sare loo qaadayo dhinac taranka.

Shirkan qaybtiisa heer wasiir waxaa diiradda lagu saaray samafalka xoolaha iyada oo aad loogu dhaliilay xadgudubyada ka dhanka ah xoolaha sida dhaawicidda, dayacidda iyo ku danaysiga daryeel la'aanta ah ee xoolaha.

Shirkan oo socon doona ilaa 27 bishan May, ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo wax tar u leh xoolaha maadaama dalkeena dhaqaalihiisa uu ku tiirsanyahay 60%.

Soomaaliya oo hadda kasoo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo colaad ah, ayaa isku dayaysa inay dib usoo nooleyso ilaheeda wax soo saarka, oo ay ugu horeeyaan Xoolaha iyo Beeraha, oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM