Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka dhacay Imaaraadka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa daaranaa dib-u-eegista arrimaha waxbarashadda Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) iyo Wafti uu Hugaaminaayo ayaa magaalada Dubai ee Wadanka isku-taga Imaaradka Carabta uga qeyb gelay Shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda Caalamka ee Global partnership for Education (GPE).

Cabullaahi Carab ayaa kulama gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada dalka Tanzania Joyce Ndalichako, Madaxweynahii Hore dalka Tanzania Jkaya kikweta oo hadda kamida madaxda Sanduuqa Caalamiga ah iskaashiga Waxbarashada iyo agaasimaha Waxbarashada ee Bank Aduunka, Jaima Haayme.

Is-araggyadan ayaa kala hadlay sidii Waxbarashada Soomaaliya loo gacan siin lahaay iskaasha dhawna oo u dhaxmari lahaa daneeyayaasha Waxbarashadda Caalamka Iyo dowladda Soomaaliya

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Duba Cares iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda (UAE) ayaa ujeedadiisu tahay in la soo bandhigo fursadaha ay bahda waxbarashada caalamiga ah ku kaalmeyn karaan baahida waxbarasho ee ka jirta dunida sadexaad iyo sidii ay daneeyayaasha Caalamiga ah uga doodi lahaayeen dib u qaabeynta Waxbarashada Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM