Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay cadaaladda

Image
Image
Image
Image
Image
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur ayaa metelay qaranka.

QAAHIRA, Masar - Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay xarunta ururka.

Nuur oo ka socdaalay magaalda caasimada ah ee Muqdisho waxaa wehliyay Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheikh Cumar

Kulan ayaa ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiiradda Cadaaladda Carabta ayaa looga hadlay arrimaha la dagaalanka Argagixisadda iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wakiilka Soomaaliya ee shirkaas heerka wasiir ah wuxuu fagaarahan kusoo bandhigay horumaradda Soomaaliya ka sameysay Cadaaladda iyo la dagaalanka Argagixisadda.

Khudbad qoraal ah oo uu la wadaagay Wasiiradda Carabta ayuu si faahfaahsan u sheegay in Soomaaliya guulo la taaban karo ka gaartay dhismaha hannaanka Garsoorka.

Dastuurka dalka ayaa xaqiijiyey madaxbanaanidda Garsoorka Dalka iyado ay xusid mudan tahay in Wasiirka uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiiradda dhigiisa ee Masar, Ciraaq iyo dalal kalle oo carbeed.

Wasiirka aya intii uu joogay Wasaaradda ku guuleystay dhameystirka dhismaha guddiga qaran ee la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo kamid noqoshadda heshiisyadda Caalamiga ah ee ciribtirka musuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM