Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Jaamacadda Carabta

Image
Shirka ayaa aad loogu faaqiday Xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee Falastiiniyiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Wafdi uu hogaamanaayo ayaa maanta ka qaybgalay meertada 162aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta kuleedahay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Shirka ayaa waxaa aad loogu faaqiday Xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo Shacabka Reer Falastiin, Madaxdu waxa ay si wadajir ah hoosta uga wada xariiqeen Muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani'aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la'aan ah, si Mandiqadda loogu soo dabaalo Xasilooni waarta .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM