Soomaaliya oo ku biirtay aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed

Image
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ku biirtey aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed kadib markii ay Khamiista maanta ah meelmariyeen Golaha Wasiiradda xukuumadda federaalka ah.

Sidoo kale, golaha ayaa ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

HOOS KA AKHRISO BAYAAN KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM