Soomaaliya oo laga hirgeliyey xarun hoostagta ururka IGAD

Image
Image
Image
Image
Image
Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa wuxuu magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

"Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahad celiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Xaamud Cali Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM