Soomaaliya oo lagu wareejiyey deeq lagula dagaalamayo Covid-19

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa ka guddoomay jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar Jamaal Axmed, oo sarkaal sare oo isku-xidhe ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho.

Kaalmadaasi lacageed ayaa ah hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha urur goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah Karoona feyrus oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.

IGAD ayaa waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu bogaadiyey talaaabada ay qaadeen howlwadeenadda ururkaas ay Soomaaliya xubinta ka tahay.

"Tani ayaa tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD xanuunka Karoona feyrus iyo muujinta taageero garab-istaag u ah wadamada gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman," ayaa lagu yiri bayaanka.

3 April, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno la dhiban xanuunka Karoona feyrus.

"Taasi ayaa sare u qaaday tirada guud, gaarsiisayna 7 bukaan, iyadoo mid ka mid ah bukaannadaasi uu ka soo kabtay xanuunka, mana jiro wax dhimasho ah oo uu sababay cudurkani saf-marka ah," ayuu raaciyey warka qoraalka ah.

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD oo todobaadkii hore shir deg-deg ah oo dhanka isgaarsiinta yeeshay ayaa kawada hadlay siddii ay qorshe mideysan u wajihi lahaayeen ka hortagga xanuunka safmareenka ah, kaasoo guud ahaan wadamada saameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM