Soomaaliya oo looga dhawaaqay kiisas cusub oo Covid-19 ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kiisaska dadka qaba fayruska dilaaga ah Corona ee Soomaaliya ayaa waxay durba gaartay 25, sidda uu Axada maanta ah shaaciyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tiradda kiisaska cusub ayaa ah afar, maadaama Wasaaradda Caafimaadka ay horey u xaqiijisay 21 kiis oo ay ku jiraan afar shaqaale caafimaad.

Sidoo kale, bukaanada waxaa ku jira laba ajnabi ah oo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu karan-tiilay isbitaal ku dhexyaala Xalane oo uu maamulo howlgalka AMISOM.

Sidda uu xaqiijiyey Farmaajo, waxaa jira shaqsiyaad kale oo la nool caabuqa oo aan garaneyn goobta baarista kuna sugan magaalada madaxda Muqdisho iyo qaar kamida goboladda wadanka.

Balse ma uusan carabaabin qorshaha dadkaas uga degan dowlada oo uu qiray in aysan awood u lahayn in ay si adag ula tacaasho xanuunka oo si aayar ah ugu faafaya magaalooyinka.

"Xaqiiqatan, waxaan isugu soo harnay sidda dhabta ahna ay tahay inaan Ilaahey u noqono oo Ilaahey aan barino in uu cudurkaan naga badbaadiyo nana dhinac mariy,o maxaa yeelay awoodeena bulsho, dowladeed, dhaqaale, caafimaad waxaan qaadi karno maahan, waxaan u diyaar-garownayna ma ahan," ayuu carabka ku adkeeyay.

Warar ayaa sheegaya in kiisaska cusub ee la diiwaan-geliyey ay ku jiraan dhakhaatiir ka howlgala Isbitaalo gaar loo leeyahay oo ku yaala caasimadda lana kulmay bukaanada qaar.

Cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan caalamka ku dilay in ka badan 100-kun oo ruux, iyaddoo uu soo ritay dad ay tiradoodu ka badan tahay 1.8 milyan oo ruux; intaas waxaa wehlisa in ay kasoo kabteen 300-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM