Soomaaliya oo maanta ka gudbaysa Isgoys khatar badan
MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xaadiray howlka doorashada si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimo ee dalka oo waqti dheer dib u dhacday, iyadoo ay ku tartamayaan 35 musharax oo u taagan qabashada xilka ugu sareeya Soomaaliya oo wali dagaal adag kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah iyo khatarta macluusha.
Codbixintan oo si wayn isha loogu haayo ayaa sannad ka badan dib u dhac ku yimid xilligii loo asteeyay, iyadoo saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ay ka digayaan in dib u dhacyada -- ay sababeen isqabqabsi siyaasadeed.
Amaanka doorashada ayaa la adkeeyay iyada oo siwayn loo ilaalin doono teendho ku dhex taal dhismaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo dhaq dhaqaaqyo yar laga dareemayo caasimadda oo boolisku ay bandow ku soo rogeen ilaa Isniinta. Duulimaadyadii ayaa sidoo kale la joojiyay, sida uu Garowe Online u sheegay sarkaal diiday in magaciisa la shaaciyo.
Codeynta ayaa la filayaa in ay dalka soo saarto khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamayay muddo sanad ah, ka dib markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed waqtigiisa dhamaaday bishii Febraayo 2021 bilaa doorasho.
"Waan ka daalaynay inaan ku noolno hubanti la'aan... Waxaan rajeynayaa in madaxweyne la dooran doono, maantana waa dhammaadkii wax aan jirin," Muqtaar Cali, oo Muqdisho ku nool ayaa u sheegay warbaahinta.
Maxamed oo ku magac dheer Farmaajo ayaa hadda doonaya in dib loo doorto balse waxa uu loolan adag kala kulmayaa madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ex Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Farmaajo xilka ka qaaday 2020.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, wasiirkii hore ee qorshaynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Aadan -- oo ah haweeneyda kali ah ee la tartamaysa -- ayaa iyagana ku jira.
Ciidamo ka socda Midowga Afrika ayaa sugaya ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso, kadib weeraro is daba joog ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ay geysanayeen Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan dagaal kula jirtay dowladda.
Codeynta ayaa bilaaban karta oo kaliya marka ay soo xaadiraan saddex meelood labo meel xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo la filayo in howsha ay qaadato saacado badan oo habeenimo ah.
Afar musharrax ayaa Sabtidii isaga haray tartanka, waxaana la filayaa in dad badan ay maanta ku dhawaaqaan codbixin dhowr ah, taasoo yareyneysa fursadaha ilaa laga dooranayo qofka guuleysta.
Guuleystaha waa inuu helaa ugu yaraan 184 cod.
Soomaaliya muddo 50 sano ah kamay dhicin doorasho hal qof iyo cod ah. Taa beddelkeeda, codbixintu waxay raacdaa qaab dadban oo adag, oo ay sharci-dejiyayaasha dawlad-goboleedyada iyo ergooyinka beeluhu soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka qaranka, kuwaas oo iyaguna dooranaya madaxweynaha.
Tartamayaashu waxa ay wacad ku mareen in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka faraha badan ee Soomaaliya ka jira, isla markaana ay ka samata bixin doonaan muwaadiniinta ka daalay dhibaatoyinka ay geystaan Al-Shabaab, sicir-bararka iyo abaarta sii xumaanaysa ee khatar ku ah in malaayiin qof ay macaluul galaan.
Dagaalyahana waxay maamulayeen magaalada Muqdisho ilaa 2011 markaas oo ay ka saareen ciidamada Midowga Afrika, balse waxay weli haystaan dhul baadiyaha ah.
GAROWE ONLINE