Soomaaliya oo magdhow ka dalbatay "dalalka wasaqeeya hawada"

Image
Wadamadan ayaa u badan kuwa ugu tunka weyn caalamka islamarkaana ku yaalaa shirkadaha waaweyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga arrimaha abaaraha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan; badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Komishiinka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Portugal.

Sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay, madaxda hay’adaha Beeraha Adduunka FOA, madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramadaha Midoobay WHO iyo madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo shirka martigelisay.

Warsame ayaa diiradda saaray saamaynta ay Isbeddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya, taasoo sababtay abaaro iyo fatahaado joogta ah, isagoo dalbaday in dawladaha wasaqda Isbeddelka Cimilada sababta hawada ku sii daaya ay magdhow iyo maalgelin siiyaan dalalka ay saamaynta ugu badan ku dhacdo oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhaawaca ka dhasha Isbeddelka Cimilada.

Si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha ay tahay ayuu dalbadey in Soomaaliya laga caawiyo tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, tamar ka dhalinta dabaysha, horumarinta wax soo saarka xoolaha, dhirta, kaluumaysiga iyo beeraha.

Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay aysan kaalmo oo keli ah u baahnayn ee ay u baahan tahay caddaalad ay sameeyaan kuwa sababa Isbeddelka Cimilada.

"Wadamada ay isbedelka cimiladu saameeyeen uma baahna gargaar kaliya, ee waxa ay u baahan yihiin in ay caddaalad helaan, taasoo lagu kabayo dhaawaca ay cimilladu sababto, si loola noolaado Cimilada is baddeleysa, loo yareeyo dhibkeeda, loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka," ayuu tibaaxay.

Xildhibaanka ayaa ku guda jira socdaal u jeedkiisu yahay u qareemidda Gurmadka Abaaraha, sidii uu indhaha caalamka iyo deeq-bixiyayaashana ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaarta ka jirta dalka iyo in saameynta Isbadelka Cilimida ee dadkeenu la dhibaatoonayan ay sabab u yihiin waddama hawada wasaqeeya magdhowna looga baahan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM