Soomaaliya oo mar kale gashay qalalaase doorasho

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa mar kale foodda is-daray.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa mar kale waxay cagta saartey dhabo dadka qaar ay ku sifeeyeen jahwareer siyaasadeed iyo in giraanta hanaanka doorashooyinka ay dhinac kale u wareegsatay.

Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo oo ku baaqay "dhab-u-jihayn" lagu sameeyo hanaanka doorashooyinka ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ku eedeeyay "in uu ka leexdey dhabihii saxda".

Shir ay isugu yimaadaan golayaasha dowladda iyo madaxda maamuladda ayu uku baaqay "si loo saxo qaladaadka doorashadda loona dhaqan-geliyo hogaan fulin kara doorasho loo-dhan yahay oo hufan".

War-saxaafadeed ay Villa Soomaaliya sii deysay saqdii dhexe ayuu ku sheegay in Rooble uu "curyaamiyey guddiga doorashadda iyo in uu qaatay go’aano hal dhinac ah oo caqabad ku noqdey coddeynta".

Xafiiska wasiirka koowaad ayaan wali ka jawaabin qaddiyaddan. Balse, saacado kahor dhawaqa Farmaajo, xukuumadda xilgaarsiinta waxay shaacisay in uu jiro qorshe diyaarsan oo lagu sumcad dilayo Rooble".

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho oo ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono dadkaas uusan carabaabin, ayaa dalbadey in midnimo looga gudbo xaaladan.

"Xukuumaddu ma ogolaan karto in tallaabooyin dhaca oo laga hor tegi karo ay keenaan in berri ay dadka Soomaaliyeed is dilaan oo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku burburto, si sahlan oo dano shakhsi ah ku saleysan, sidaas darteed waxaan weydiisaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan," ayuu ka sheegay shir jaraa’id.

Is-mari-waaga kasoo dhex-cusboonaadey Farmaajo iyo Rooble ayaa sii murjinaya isgoyska uu dalku taagan yahay waqti-xaadirkan iyo hubanti la’aanta halka uu waddanka u jiheysan doono mudadda soo aadan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM