Soomaaliya oo mar kale taageertay siyaasadda "hal China"

Image
Talaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah isu-soo-dhowaanshiyaha Taiwan iyo Somaliland.

BEIJING, China - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa waddanka Shiinaha, Wang Yi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa xustey in wasiiraddu ay sidoo kale diiradda saareen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada dal.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah".

Cali ayaa, sida ku xusan bayaanka, wuxuu uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha".

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhowaan taageertay mabda' "hal China" kaasoo meesha ka saaraya madax-banaanida dowladeed ee ay sheegato Taiwan.

Xukuumadda Muqdisho ayaa uga digtey Taiwan cilaaqaadka ay la sameysatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland waxayna ku boorisay in ay ka waantowdo "xadgudubkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM