Soomaaliya oo Mareykanka oo ka shiray ilaalinta xurriyadda hadalka

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay lataliye sarre oo ka socdey Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM