Soomaaliya oo midnimo u muujisay Turkiga kadib weerarkii Istanbul

Image
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 50 kalana way ku dhaawacmeen qaraxan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa midnimo u muujiyey Turkiga kadib qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay fagaare ku yaala magaalada Istanbul.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa tacsi u diray dhamaan eheladda iyo asxaabta dadka ku naf-waayay "weerarkan argagixiso".

"Shacabka iyo dowladda Turkiga waa xulafo muhiim u ah Soomaaliya waxaana ay kaalin ku leeyihiin horumarka iyo amniga [dalkeenna]," ayuu kusoo koobay qoraalka ciwaankiisa Twitter-ka.

Dhankiisa, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Xamse oo sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka ayaa xusay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

"Argagaxisada, nooc kasta oo ay tahay, waa laga adkaan doonaa," ayuu kusoo gabagabeeyay qoraal kooban oo uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareega Twitter-ka.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 50 kalana way ku dhaawacmeen weerarkan oo Turkiga uu ku eedeeyay kooxda PKK, urur ay dowladaha Yurub iyo Mareykanka u aqoonsan yihiin "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM