Soomaaliya oo muddo kordhin horleh u raadineysa howlgalka ATMIS

Image
Sidda laga soo xigtey warbixinta, xafiiska madaxwayne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga shaqeynaya arrinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole ay muddo kordhin laba sano dheeraad ah ugu raadineyso howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, sidda ay xaqijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Qorshaha xukuumadda Muqdisho ayaa hareermarsan balanqaadka ay horey u sameysay oo ku aadan in cutubyada shisheeye ay dalka ka hayaami doonan 31-ka bisha December ee sanadka 2024-ka.

Sidda laga soo xigtey warsidaha The East African, xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ololahan si gaar ah gadaal uga riixaya isaga oo kaashanaya madaxda dalalka gobolka.

Hindisahan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu 27-da bisha bishan April uu yeesho shir gaar ah oo looga doodayo mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku andacoonaya in jadwalka cusub ee bixitaanka ay u badan tahay in ay ka dhalatay ciidamadda Soomaaliya oo aan wali si buuxda u diyaarsaneyn iyo in aysan wali helin agab milatari oo ku filan.

The East African ayaa intaas ku dartey in qorshaha uu xafiiska Xasan Sheekh uu haatan taageerada u raadinayo uu waafaqsan yahay soojeedin horey uga timid dalalka ay kasoo jeedaan ciidamadda taliska ATMIS.

Talada Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti oo timid markii magaca howlgalka laga soo raray AMISOM ayaa ahayd in mudada kala guurka ee dalka uga baxayaan ay noqoto shan sano si diyaar-garow fiican loo helo.

Midowga Yurub ayaa balanqaadey aduun lacageed dhan $2.74 bilyan doolar haddii la raaco qorshahan. Lacagtan waxaa heli doona labada howlgal ATMIS iyo AMISOM waxaana lagu maareynayaa kharaasha ciidamadda.

Lama ogga sidda madaxda Soomaaliya ay qorshahan uga dhaadhicin doonan shacabka iyo goleyaasha dowladda maadaama ay horey u balanqaadeen in ay ciidamadda shisheeye ay hayaami doonan December, 2024.

Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya soo gaarey 2007-dii. Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay ee askartiisa kasoo dageen Muqdisho. Mudadaas 16-ka sano ah, waxaa naf-waayay in ka badan 4,000 askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM