Soomaaliya oo muddo shan casho "ku dishay" 179 Al-Shabaab ah

Image
Hase ahaatee, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Sabtidii shaacisay dilka ku dhawaad ​​100 maleyshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ka dhacay deegaan dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arbacada asbuucii hore, saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa wariyey in tuulada Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku khaarijiyeen in ka badan 49 ka tirsan Al-Shabaab.

Jimcada todobaadkii hore, warbaahinta dowladda ayaa daabacdey in 15 kamid ahaa Al-Shabaab "lagu naf-gooyay" howlgal ka dhacay isla degaanka Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Isla Jimcihii, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka dhowaan lala wareegay ee Qaayib ee dhaca bartamaha gobolka Galgaduud.

Kooxdan iyo saraaiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyey in iska horimaad culus uu halkaas ka dhacay. Balse, dowladda waxay warisay in ay iska caabisay weerarkaas ayna "burburisay saddex qarax gaari".

Weerarkan dhacay waqtiga aroornimadda ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 dagaalameyaal, sidda ay ku warantay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, wallow aysan kala caddeyn haddii ay Shabaab ahaayeen.

Al-Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi ku sugan ayaa labaduba waxa ay sheegeen in ay khasaarooyin kala duwan gaarsiiyeen dhinaca kale.

Wadarta dhamaan, xubnaha Al-Shabaab ee dowladdu shaacisay in ay dishay mudadii u dhaxeysay 23-ka November illaa 26-ka November ayaa dhan 179 xubnood. Balse, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta tirooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: DFS oo Ciidan geysay Xadka Kenya iyo Dagaal laga digay inuu dhaco

Ciidamada Jubaland ayaa ku guuleystay inay ka adkaadaan ciidamada Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran bishii Nofeembar.

  • Soomaliya

    10-01-2025

  • 11:49AM

Fiqi oo Wadahadal la yeeshay Taher Al-Baour

Labada dhinac ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah si loo gaaro amni.

  • Soomaliya

    09-01-2025

  • 09:45AM