Soomaaliya oo qof aan safar gelin uu soo ritay fayruska Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qofkii ugu horeeyay oo aan dibadda ka imaan kuna sugan magaala madaxda Muqdisho ayuu soo ritay Coronavirus, sida ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Maxamed Saciid Cabdullaahi, wasiirka ku xigeenka wasaaraddaas, ayaa shaaca ka dhigay in tani ay sarre u sii qaadeyso walaaca.

Wareysi uu siiyey idaacadda maxaliga ah ee Mustaqbal ayuu daaha kaga rogay in bukaanka ay haatan gacanta ku hayaan.

"Kiiskii ugu horeeyay oo gudaha ah isla markaana aan ka imaan dibadda ayaan heynaa, taas micnaheedu ma ahan in dadka dibadda ka imaanaya kaliya aan wadin cudurka, si kasta ayuu ku fidiyaa, haddii aan rabno in aan kahor tagno waa in aynu qaadanaa talooyinka caafimaadka," ayuu yiri.

Balse ma uusan kala caddeyn hadii ruuxaas muwaadinka ah uu kamid yahay kiisaska todoba ah ee horey ay ugu dhawaaqdey wasaaradda ama in uu yahay kiis cusub oo tiradda guud ka dhigaya sideed.

Sidoo kale, wuxuusan fahfaahin ka bixin qaabka uu ku qaadey, hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay in lagu daartey.

Bukaanada todoba ah ayaa laba kamid ah waxay yihiin ajaaniib ka tirsan shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobay. War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in ay dibadda kasoo qaadeen xanuunka.

Covid-19 oo asal ahaan kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha ayaa lagu kala qaadi karaa; taabashada, neefshada iyo isu soo dhowaanshiyaha. Sida kaliya ee looga hortagi karo waa in bedelka talaabooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM