Soomaaliya oo rajeynaysa in 2023-ka laga cafiyo deynta

Image
Wasiirka qorsheynta Jamaal Xasan ayaa u sheegay Garowe Online in dalka uu marago heer fiican. [Photo: Abdirahman Adani/Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka qorsheynta xukumadda xilgaarsiinta ah Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in uu rajo wayn ka qabo in Soomaaliya sanadka 2023 ay soo dhamaystiri toonta barnaamijta dayn cafinta oo sanadihii la soo dhaafay wadanku soo waday.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaas Soomaaliya aysan si buuxda u dhamaystiri doonin oo ay jiri doonaan lacag ku hari doonta Soomaaliya taas oo baahan in la sii amba qaado.

"Waxaan ku rajo weynahay in 2023 lasoo dhameystiro barnaamijka deyn cafinta. Laakiin ma noqon doonto 100% waxaa nagu hari doonta 500 milyan” ayuu yiri wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhamaan shuruudihii ay hordhigeen hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dhaqaalaha sida bangida aduunta iyo lacagta aduunka ee IMF.

“Shuruudihii ugu waawaynaa waa ka soo gudubnay kuwa yar oo ku xiran baarlamaanka maahee, marka waxaan rajaynaynaa in sanadka dambe aan ku guulaysa doono” ayuu hoosta ka xariiqay wasiirka.

Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ka soo gudubtay shuruudo waawayn oo muhiim u ah deyn cafinta ee wadamada fakhriga ah. Soomaaliya ayaa noqotay wadankii 37-aad ee caalamka ee gaara heerkaan dayn cafinta.

Inkastoo qorshaha deyn cafinta ay tahay mid soo socotay oo ay soo bilaabeen xukuumadihii hore, haddana dowladda hadda jirta waxaa ay sheegtay in arrintan ay ku timid dedaal xukumadihii kala dambeeyay galiyeen hanaanka dayn cafinta dalka

Hey'adda lacagta adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dedaal u gashay sidii ay usoo gaari lahayd halkan iyada oo ku boorisay hay’adaha maaliyada dalka in ay sameeyeen daahfurnaan dhamaan talaabooyinka la qaadayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM