Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay taageero dhanka caafimaadka

Image
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda Sucuudiga ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in wali ay Wasaaradda Caafimaadku ay u baahantahay taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeega caafimaadka.

Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM